stichtingwehel

Tarsan oo waji gabixii ugu xumaa kala kulmay Dowlada Holland & Warbaahinta Holland oo si adag ugu hadlay (Dhageyso).

Warbaahinta dalka Holland ayaa siyaabo kala gedisan ugu hadashay dib u dhicii ku yimid Safar uu Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ku imaan lahaa Dalka Holland, isla Markaana la filayay in uu Khudbad dheer ka jeediyo Xaflad (Sabti 17-11-2012) ka dhacday Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, isla markaana lagu xusayay Maalinta Afrika, kaa oo ay kasoo qeyb galeen Madax caan ah oo ka socday caalamka.

Idaacada (Radio 1) ee dalka Holland, ayaa Barnaamijkeeda Arrimaha dibada kaga hadashay dib u dhaca Safarkii Tarsan ee Holland, iyadoona Wariyaha Arrimaha dibada ee Idaacadasi (gaar ahaan Arrimaha Afrika) uu si faah faahsan ugu hadlay waxa keenay in Tarsan uu ka baaqsado Holland, iyadoona sababta ugu weyn lagu sheegay in uu yahay Shaqsi ku takri falay Hanti loogu tala galay Masaakiin (Correption).

Madax ka tirsan Dowlada Holland iyo Warbaahinta ayaa si weyn usoo xigtay warbixintii Guddiga kormeerka ee Q.M kasoo saareen Arrimaha Musuq maasuqa Dowlada Somalia, oo lagu xusay in Maxamed Nuur Tarsan Duqa Magaalada Muqdisho uu isdaba marin ku sameeyey raashinkii gargaarka ahaa ee la geeyey magaalada Muqdishu sanadkii hore waqtigii ay jirtay macluusha daran ee ka dhashay abaarahii ku dhuftay koonfurta Somalia.

“Tarsan waxaa uu isugu yeeray Gudoomiyayaasha degmooyinka Muqdishu uu heshiis kula galay inay qeybsadaan dhaqaalaha gargaarka la soo gaarsiiyey Muqdishu, taasoo ah fadeexo weyn oo uu sameeyey masuul dowladeed” Ayuu yiri Wariyaha uu warbixin jeedinayay.

Hey’adda Qaban qaabisa Munaasabada Maalinta Afrika.

“Inta aan casuumaada u fidin ka hor waxaan ku maqalnay in uu yahay nin wanaagsan, balse waxii markaa ka danbeeyay dabagal la sameeyay waxaa kasoo baxday war aan ku wanaagsaneen shaqsi mas’uul oo dowlad ka tirsan”.

Wariyaha oo la waydiiyay in uu la xiriiray Tarsan, waxna ka weydiiyay eeda.

“Waan la xariiray Tarsan, runtii si carro xoogan ka muuqata ayuu ku jawaabay in aan warkaasi waxba ka jirin, waxa uu yiri (Waa niman Maafiyo ah, horey ayaan wax ugu sheegay sidaa darteed ayee ii eedeenayaan) wariyaha oo warkiisa sii wata ayaa sheegay in Tarsan uu ku yiri, waa ay dhici kartaa in Muqdisho arrimahaas oo kale ay ka dhacaan, balse Guddoomiyeyaasha degmooyinka waa dad hubeysan oo mararka qaarkii aan amarkeega qaadan”.

“Tarsan waxa uu u muqday nin aan waxba ka qaban karin waxa ka dhacaya Gobolka Banadir ama ay sameenayaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, balse waxa uu ahaa shaqsi si adag u hadlaayay, taasi oo ah mid aan mas’uul dowladeed ku habooneen”.

Wasiirkii hore ee Arrimaha horumarinta iyo Ganacsiga dibada ee dalka Holland oo Muddo 16 sano wasiir ahaa, isla markaana loo yaqaan (wasiirka 16-ka sano) oo Arrimahaan wax laga weydiiyay ayaa ku jawaabay.

” Haweeneyda Wasiirada Cusub ee Arrimaha horumarinta iyo Ganacsiga dibada ka ah dalka Holland waxaa fool xumo ku ah in ay meel la istaagto Tarsan, isla markaana Khud-bad ka wada jeediyaan, waayo waa shaqsi Musuq shacabkiisa ah lagu eedeeyay” Ayuu yiri.

Wariyaha oo Markale la weydiiyay sida daba galka warbaahinta Holland Arrimahaan ugu sameesay Ayuu ku jawaabay.

“Waxaan la xariirnay Hey’adda Caalamiga ee gar-gaarka Aduunka Fadhigeeduna yahay Nairobi, waxa ay inoo sheegeen in Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banadir la’aantood aan sina meel gar gaar loo gaarsiin karin iyagoo aan la siinin wax loo yaqaan is Afgarasho” Ayuu yiri Wariyaha oo soo xiganayay Mas’uul sare oo ka tirsan Hey’adda gar-gaarka caalamiga xafiiskeeda kenya.

Wasiirada Cusub ee Arrimaha horumarinta iyo Ganacsiga Dibbada Holland, oo dhankeeda warbaahinta kale ee dalka Holland la hadashay ayaa si carro leh ugu jawaabtay Marti qaadkii loo fidiyay Tarsan ee Ahaa in uu kasoo qeyb galo Xafladii Maalinta Africa ee shalay ka dhacday Holland.

“Waa Nasiib darro qof Mas’uul ah shacabkiisa oo Baahan in gar-gaarkii loo siday kula gor gortamo is afgarasho, ama uu sameesto Guddi booba hantidaasi si loogu faa’ido, waana wax damiirka bini aadanka kasoo horjeeda” Ayey tiri.

Inkastoo Wasiirada Horu-marinta iyo ganacsiga dibadda ee Nederland ay si weyn uga niyad jabay waxyaabaha lagu eedeeyay duqa Magaalada Muqdishu, haddana dowlada Nederland waxay ogoleyd in Tarsan uu yimaado Holland, hase ahaatee baaqashadiisa lagu micneeyay cabsi ku aadan in suáalo laga weydiiyo eedeymaha loo haysto.

Dadka darsa Siyaasada ayaa waxa ay sheegayaan in baaristaan dib loogu sameeyay Tarsan ka dib Martiqaadkii loo fidiyay ay ku lug leedahay Arrimo siyaasadeed ay ka danbeen karaan Hey’addo Soomaaliyeed oo cadaadis ku sameeyay sidii kiis baar iyo dabagal loogu sameen lahaa Tarsan, iyadoona warar hore ay Shabakada Wehel Qortay lagu xusay in ururo Soomaaliyeed ay ku kala qeyb sanaayeen Safarka Tarsan uu ku imaan lahaa Holland.

Tarsan waxa uu in Muddo ah yahay duqa Magaalada Muqdisho, iyadoona uu madadaasi ka shaqeeyay dib usoo celinta bilicda Magaalada Muqdisho, iyo nidaamkii Magaalada Muqdisho.

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone