2:59 pm - Wednesday January 18, 2017

Horyaalka Kubadda Koleyga 2015-16 oo ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)

Waxa magaalda muqdishio gaar ahaan garoonka Wiish ka furmay horyaalka kubadda kolega 2015-16, waxaana xafalda furitaanka kasoo qayb galay masuuliyiin ka soctay Guddiga Olombiakada qar ka mid ah xirirada, madaxada xiririka kubada kolegya iyo marti sharaf kale.

Ugu horeeyn waxaa halkaasi ka hadlay kusimaha xoghayaha Xiriirka kubada koleyga Cabdi Cabdulle Baasaale waxuuna tilmamay in ay horyaalka sanadkan ay ka qayb galayaan 10 koox , halkii ay horey u ahaan jireen sideed koox isla markana ay kooxuhu diyaar usoo galeen tartanka ayna ka rajeynayaa in cayaaro wanasgan ay soo bandhigaan.

_MG_9436

Guddoomiyaha xiriirka kubada Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxmaed Caddaanin oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan garsoori doonaan horyaalka garsoorayaa aqoontoda sare loo qaaday oo lix ka mid ah ay ku guulaysteen shahaada heerka soon ah laga rajeynayo in ay soobadnhigaan habgarsoor wanaagsan oo cadaalad ah.

Guddoomiye Cadaani ayaa intaa kudaray in xiriirka horyaalkan ka xulan doono cayaartoydii matali lahayd qayabah kale gedisan ee xulka qaranka, basle aanan laxuli doonin cayaartooy aqlaaqadiisa aysan wanaaagsanayn si kasta uu u cayaar wanaagsan yahay, waxuuna maamulka , kooxaha , cayaartoyda iyo taaageerayasha ka codsaday in laga wada shaqeeyo sidii uu tartanka ku wanaagsananaan lahaa.

_MG_9441

Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay oo tartanka furay Madaxa Amuuraha Goboadla Gos, Ibraahim Xuseen Cali Roombe waxuuna sheegay in xiriirka kubadda Koleyga uu horumarku talaabsanayo si gaar ah ay u farxad gelinayso tirada kooxaha heerka koowaad oo sare loo qaaday taasna ay tartanka ka dhigayso mid xiiso leh.

Kulanki furitaanka horyaalka oo lagu daah furay kooxda Heegan oo horyaalka difacaysa iyo Gaadiidka oo sanadkan ku cusub horyaalka waxayna 66-27 guusha ku raacday Wiilasha Heegan.

Goolkii ugu horeeyay Horyaalka Waxaa dhaliyay Cali Bile oo No 15 u qaata kooxda Heegan ,halka Cusmaan Cali Guuleed oo No 4 u qaata Heegan uu dhaliyay goolashii ugu badnaa kulanka 13.

_MG_9443

_MG_9562

_MG_9574

_MG_9577

_MG_9580

_MG_9585

_MG_9608

_MG_9631

IMG_9367

IMG_9372

IMG_9374

IMG_9380

IMG_9384

IMG_9389

IMG_9392

IMG_9408

IMG_9415

IMG_9458

IMG_9489

IMG_9545

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay garoonka diyaaradaha Garoowe (SAWIRRO)

NISA oo soo bandhigtay labo nin u dhashay Iiraan oo faafinayay Mad-habta Shiicada

Related posts
Your comment?
Leave a Reply