7:42 am - Thursday March 30, 2017

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ka socda Baraawe

Warar goor dhow naga soo gaaray degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya uu haatan ka socdo gudaha degmada Baraawe.

Dagaalkan ayaa saameeyay dhaq dhaqaaqii guud ee Baraawe, waxaana illaa iyo hada la xaqiijiyay in shan askari ay ku dhimatay, halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka wada tirsan dowladda, inkastoo aanu sheegin sababta ka dambeysa dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsanayeen, waxaana la sheegayaa in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

Baraawe oo ah magaalo xeebeed ayaa bishii October ee sanadkii 2014 laga saaray Al-Shabaab, waxaana magaalada saldhig ku leh Ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Beledweyne

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la doortay

Related posts
Your comment?
Leave a Reply