7:43 am - Thursday March 30, 2017

Gaas oo xarigga ka jaray Banki caalami ah iyo xero qaxooti (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09-Jan-16 xarigga ka jaraya Bangi Caalami ah oo lagu magcaabo CAC International Bank, bangigaas oo ah mid laga heleyo dhammaan adeegyada ay bixiyaan bangiyada Caalamku.

Munaasibadda xarig kajaridda Bangiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Ganacsato, Maamulka Bangiga iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Punland ayaa ku tilmaamay bangigan mid wax-badan ka bedeli kara horumarka guud ee Puntland kana qayb qaadan kara horumarka ganacsi iyo kan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isla markaasna laga filayo fikrado cusub iyo ganacsiyo cusub oo waddanka looga hirgelin karo maadaama uu yahay Bangigii ugu horeeyey ee Caalami ah oo Puntland laga hirgeliyo.

gasbangi1

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Bangiga CAC iyo Bangiyada kale ee Puntland ka hawlgala inay xiriir wanaagsan yeeshaan iskana kaashadaan ka qayb qaadashada horumarka baaxadda leh ee ka socda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xadhigga ka jaray Xero cusub oo magaalada Boosaaso looga dhisay qaxooti isugu jira soomaali iyo Yemaniyiin, kuwaas oo kasoo qaxay dagaaladii dhowaan ka dhacay waddanka Yemen.

Munaasiba xarigga looga jarayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Dalka Yemen ee Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin kale iyo qaxootigii la dejiyey xeradaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta uu yimaado xeradan si uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan xerada maadaama ay magan u yihiin Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ugu baaqay in ay il gaar ah ku hayaan dadka nugulka ah oo soo dhibaatooday nabadgelyadooda iyo noloshoodaba, sidoo kalena hay’adaha mucaawinooyinka loogu soo dhiibo dadkan tabaalaysan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay in ay soo gaarsiiyaan maadaama ay maanta ugu baahi badan yihiin xaqna u leeyihiin wixii loogu talo galay in lasoo gaarsiiyo.

gasbangi2

gasbangi3

gasbangi4

gasbangi5

gasbangi6

gasbangi7

gasbangi8

gasbangi9

gasbangi10

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Isbahaysiga UMP oo Geelle u Magacaabay Musharaxooda Doorashooyinka

Qarax ka dhacay degmada shibis ee Magaalada Muqdisho

Related posts
Your comment?
Leave a Reply