3:03 pm - Sunday August 22, 2213

Bahda ciyaaraha oo hambalyo aroos ah u dirtay xiddiga Xasan Basbaas

Waxaa labadii bishan May magaalada Muqdisho, ku aqal galay xiddiga Kubbadda Kolayga Heegan iyo Xulka qaranka Soomaaliya Xasan Maxamed Xasan (Basbaas), waxaana ugu horreyn dhambaal farxad ah u dirayo maamulka guud ee Heegan iyo qeybaha ay ka kooban tahay.

Dhanka kale Macalimiinta iyo ciyaartooyda Kubbadda Cagta, Kolayga, Gacanta, iyo Cayaaraha Fudud, ee naadiga Heegan oo wiilal iyo Gabdho isugu jira ayaa nolol iyo waqti wanaagsan u rajeeyay saaxiibkooda Xasan Basbaas.

Bahda isboortiga qaybhaeeda kale gedisan iyo Bahda saxaafadda ciyaaraha dalka ayaa iyagana waxa ay farxad la qeybsanayaan Xasan Maxamed Xasan (Basbaas) iyo gacalisadiisa Fahmo C/raxman Gaagaale waxayna leeyhiin mustaqbal wanaagsan oo ifaya qeybsada.

Basbaas, ayaa waxa uu ka mid yahay ciyaartooyda loogu jecel yahay Kubbadda Kolayga waxuuna ciyaaraha kusoo jiray in kabadan 10 sano, marka laga soo tago ciyaaraha Basbaas waa ciyaaryahan si weyn uga shaqeeya isku xirka ciyaartoyda dalka iyo dibadiisa ku nool iyo ka warqabka ciyaartoyda ku jira xaaladaha adag oo uu si weyn ugu ololeeyo in ay faraxadda iyo reynreynta la wadaagaan dhigooda isboortiga.

Waxayna dhammaan Asxaabta leeyihiin alle ha idinka dhigo kuwa isku waara oo ubad qeyrqaba kala hela. Aamiin Aamiin Aamiin

13181033_995698583812823_2089439400_n

13183082_995698797146135_393086638_n

13228156_995698577146157_109271226_n (1)

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Gorfayn Dhigane: Wehelka Lammaanaha

HAMBALYO: Jamiila Garruun & C/fitaax oo wiil ugu dhashay London

Related posts
Your comment?
Leave a Reply