12:09 am - Sunday October 22, 2017

18-ka may waa maalin madow oo midnimadii Soomaaliya la kala gooyay

18-ka May kama duwana maalmaha caadiga ah ee sanadku uu ka kooban yahay, hase yeeshe dadka Soomaaliyeed ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba maalintaan iyada ah, qaar ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Waqooyiga Soomaaliya maanta waa u Ciid, waxayna u dabaal degayaan xuska 25-tan guuradii ka soo wareegatey goosashadii Soomaaliland, fikir ahaan dadkaasi waxay rumaysan yihiin in 18-ka May ay tahay maalin sharaf leh oo xagooda qiimo badan ku leh, hasa yeeshee inta badan ummadda Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in 18-ka May ay tahay maalin Madow oo Midnimadii Soomaaliya la kala gooyey.

Kala aragti duwanaanshahaasi taagan wuxuu soo bilowdey 1991-kii, ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo odayaashii dhaqanka ee Waqooyiga Soomaaliya ay ku dhawaaqeen goboladda Waqooyi ee Soomaaliya in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, 25-sano ayaa maanta ka soo wareegtay xiligii ay Soomaali-land Sheegatey in ay tahay Jamhuuriyad madax-banaan, sanad waliba marka la joogo maanta oo kale deegaanada Waqoooyiga Soomaaliya waxaa laga xusaa maalinta 18-ka May oo la sheego in ay ku asteysan tahay gooni isu taaga Soomaali-land.

Tirsi ahaan ma yara rubac qarni sanadood, intaasi oo dhan walaalaheena Waqooyiga Soomaaliya waxay raadinayeen Ictiraaf ama Aqoonsi balse weli ma aynan helin, mana muuqato dariiqii ay arintaasi ku heli lahaayeen, hamigii ay qabeen reer Waqooyigu sanadkii 1991-kii ee ahaa haddii ay goostaan in ay caalamka soo dhoweyn ka heleyaan taasi waa lagu hungoobay, shacbi badan ayaa maanta shalaay iyo qoomamo ka jooga gooni isu taagii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Inkastoo aanay Soomaaliland weli helin aqoonsi, hadana waxaa dhab ah in ay samaysatey Maamul iyo Nabad geliyo lagu faani karo, isbedel aad u xoog badan oo xaga nolosha la xiriira ayaa ka taaba galey deegaanada Soomaaliland tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya, rabitaanka dadka reer Waqooyigu waa kala duwan yahay, qaar baa weli ku dhegan in ay goostaan, halka kuwo badana ay ka jecel yihiin in la soo celsho Midnimadii Soomaaliya, bacdamaa uu socon waayay Gooni isu taaagii goboladaasi.

Haddii Waqooyiga Soomaaliya maanta laga weyneynayo 18-ka May, dhanka gobolada koonfurta, Bartamaha iyo Galbeedka Soomaaliya lagama aqoonsano xuska maalintaasi, waxayna u arkaan 18-ka may in ay tahay maalinta ugu ayaanka daran maalmaha sanadka, iyagoo taasi sabab uga dhigaya dhaawicii maalintaas loo geystay wadajirkii iyo isku darsankii goboladii Waqooyi iyo kuwii Koonfureed ee Soomaaliya ee sanadkii 1960-kii.

Shaley…. maanta ma aha…, xaqiiqdii fikirkii goosashada ee carcarta qabay 1991-kii haatan wuxuu u muuqdaa in uu si iskiis isaga sii shiiqayo, waxgaradka iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal iminka waxay doonayaan Midnimo, qorshohooduna waa sidii ay ula midoobi lahaayeen walaalahooda kale ee Soomaaliya ku dhaqan, inta badan dadka gobolada Waqooyi xiligan haddii ay u xusul duubayaan sidii ay dib ula mataanoobi lahaayeen walaalahooda ka maqan suuragal maha in la hor istaago rabitaankooda, inta yare ee ay madaxa martey goosashaduna waxaa qasab ku ah in ay u hogaansamaan doonitaanka dadka aqlabiyada badan oo hadafkoodu uu yahay KALA GO’ MAYA — MIDNIMO HAAA….

Si loo soo celiyo Midnimadii Soomaaliya loona baabi’iyo 18-ka may iyo wixii la mid ah waxaa loo qabtay dhawr wareeg oo wadahadalo ah oo u dhaxeeyey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaliland, wadahadaladaasi oo markii muddo la joogaba mar la isugu yimaado waxay ujeedadoodu tahay sidii mustaqbalka la isugu raaci lahaa Midnimo Soomaaliyeed, illeyn iyada dadka wada kaafisee.

Soomaaliya waa mid, mana kala maaranto, dadka Soomaaliyeedna waa ummad dhan walba ka midaysan, suurtagalna ma aha in la kala goo-gooyo, aduunkana waxaa laga aqoonsan yahay in ay Soomaaliya tahay hal (1) qoys oo aan kala maarmin, waa nasiib darro dad sheeganaya siyaasiyiin in ay horseed ka noqdaan sidii ay Soomaaliya u kala qayb-qaybin lahaayeen, runtii, Midnimada Soomaaliya waa Muqadas, mana jirto cid gorgortan lagala galayo, bacdamaa Midnimadu ay tahay lama taabtaan, xiliyada soo socda waxaa la rajeyneyaa in ay baa-ba’do, maalintan madoow ee 18ka May, la isuguna yimaado illaahey idinkiis todobaadka maalmaha xuriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da Luuliyo.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO
SOOMAALIYA KA IS RAACDO
SOOMAALIYA HA MIDOWDO.

Waxaa Diyaariyey:–
C/laahi Xasan Shiiqaaloow
Email:-shiiqaaloow114@hotmail.com

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991) Q. 5aad

Dhimasho uma dhawa Afka Soomaaliga !!!

Related posts
Your comment?
Leave a Reply