3:03 pm - Friday August 22, 2223

Dhimasho uma dhawa Afka Soomaaliga !!!

Taariiq, Dhaqan iyo Hiddo aad u fac weyn ayuu xambaarsan yahay af walba oo ka jira dunida, hantida ugu qaalisan ee ummad kasta uu ALLE ku maneystay waa afkeeda hooyo, qiimo, tixgalin iyo qadarin ayuu afku leeyahay, astaamaha ugu caansan ee shucuubaha caalamka lagu kala sooco waa afka ay qolo walba ku hadasho.

Culumda Dunida waxay rumaysan yihiin in afku uu yahay shey Noole ah oo Dhasha isla markaana Gabooba haddii aan la xafidin ama la dhawrina uu Dhiman karo, Geeridiisa iyo Nolashiisa waxay ku xeran tahay hadba sida ay dadkiisa ugu fara adeygaan jiritaankiisa, Tirsi ahaan ma yara afafka kala duwan ee adduunka looga hadlo, argagax waxaa leh in qaar ka mid ah afafkaasi ay geeriyoodeen halka kuwa kalana ay qarka u saaran yihiin inay xijaabtaan.

Luuqadaha halista ku jira intooda badan waxaa looga hadlaa Qaaradda Afrika, cabsi xoog leh ayaa laga qabaa muddo aan ka badneyn Nus Qarni inay dabar go’aan afaf iminka nool haddii aan loo gurman, nasiib daro af kasta oo luma wuxuu la geeriyoodaa dhaxal qaali ah, Afka Soomaaliga oo bah-wadaag la ah afafka looga hadlo Arlada Geeska Afrika ayaa dhawaan waxaa laga keenay KHAYLO-DHAAN ku aadan inay halis ku soo fool leedahay, wel-wel fara badan ayaa xilligaan laga muujinayaa xaaladda uu ku sugan yahay afkeena.

Inkastoo uu yahay afkeena hooyo mid hodan ah ayaa haddana waxaa weerar bahalnimo ah ku haya waxa loo yaqaano Af-Dilayaasha Caalamka, qatar aad u xoog badan waxay kaga soo wajahan tahay afafka Shisheeye ee Dugsiyada Dalkeena lagu dhigo, dhibaato taa la mid ah waxay ka haysataa Madaxda Qaranka oo jecel inay adeegsadaan afafka Qalaad iyo qurba joogta ilbaxnimada ku booteeynaysa iyo kuwa Aqoonyahanka isu maleeyay ee ka cararaya ku hadalka afkoodii macaanta badnaa kana door bidaya isticmaalka afafka aaney u dhalan.

Xaqiiqdii af-Soomaaligu waa luuqad jirta, dhimashana uma dhawa balse wuxuu u baahan yahay gurmad lagu horumarinayo, qiyaastii waxaa la isku waafaqsan yahay in ay af soomaaliga ku hadlaan in ka badan 20-25 Millyan oo dad ah, shucuubtaasi oo ku kala firirsan Wadamadda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Killilka 5-aad ee Itoobiya iyo Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku kala nool caalamka, biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa, Sharaf iyo qiimo qofku wuxuu ku yeeshaa afkiisa, hubaashi ruuxba ruuxa uu ka jecel yahay afkiisa waa ka wadanisan yahay, nasiib wanaag haatan waxaa bilowday baraarug aad u balaaran oo ku aadan sidii loo horumarin lahaa afkeena hooyo, is xilqaankaasi oo aad loo soo dhaweeyay waxaa horseed ka ah Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee loo yaqaano AGA.

Waa guul lagu naaloon karo, waana horey u socod loo baahnaa in lagu dhaqaaqo, arintaan qaaliga ah qabashadeeda waxaaa Amaan iyo Bogaain ku mudan Akadeemiyada isu xilsaartay meel marinta hawshaan qiimaha badan u leh Shacbiga Soomaaliyeed, mar haddii haatan AGA ay dhexda u soo xeratay sidii loo caalamiyayn lahaa af-Soomaaliga ayaa muwaadin walba oo ku hadla luuqadaan waxaa xil ka saaran yahay oo waajib Qarameed ku ah sidii uu qaybtiisa uga qaadan lahaa Dhawrida iyo Casriyaynta afkeena hooyo, bacdamaa uu afku yahay Raasu- maalka ama hantida inaga wada dhaxaysa oo loo baahan yahay inaynu wada illaashano.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

18-ka may waa maalin madow oo midnimadii Soomaaliya la kala gooyay

Maxaa Somalia ka khaldan, Sidee Dowladda Fashilantay loo Maalgeliyay !!!

Related posts
Your comment?
Leave a Reply