7:45 am - Thursday March 30, 2017

Exclusive photos| Maxkamada ICJ oo soo gabagabeysay dhageysiga muranka badda

Waxaa Maanta oo Jimca ah lagu soo gabagabeeyay Magaalada Hague (Hayg) ee Dalka Holland, muran Badeedkii u dhexeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo la dhagaysanayay Maalmihii lasoo dhaafay.

Qareennada ka socda Dowladda Soomaaliya oo Maanta mar kale la dhagaystay, ayaa muujinaya yididiilo ah in ay Soomaaliya u xukumi doonto Maxkamadda Caddaaladda ICJ, marka ay kasoo munaaqishooto doodaha Labada dhinac 90 Cisho ka dib.

Muddo Saddex Bilood ah ka dib, haddii ay Maxkamaddu go’aan ka gaari weydo dacwaddan, ayaa waxaa lagu xallin doonaa sida uu qorshuhu yahay hab Diblomaasiyadeed, taasoo ah mid ay Soomaaliya si weyn kaga kasoo horjeeddo.

icj-01

Dowladda Kenya,ayaa iyadu ku qanacsan in Kiiska Maxkamadda Caalamiga ah la laalo,taas dhiggeedana waan waan hoose wax lagu dhammeeyo, si ay ugu faa’iideysato hab musuq maasuq ah.

Qareennada Soomaaliya u metelayay Dacwadda lagu soo gabgabeeyay Magaalada Hague, ayaa sheegaya inay Kenya dooneyso inay Badda ku hantido ku manna sheegasho ah inay Dadka Soomaaliyeed ka saacidday waxyaabo badan, isla markaana ayan xaq u lahayn in lagu qabsado Bad iyo wax la mid ah.

Halka uu muranku ka taagan yahay oo uu cabbirkeeduna yahay, 42,000km2, ayaa la sheegayaa iney tahay meel uu ka buuxo Kheyraad fara badan, iyadoo intii uu murankan soo jiitamayayna ay Dowladda Kenya geysay shirkado baara saliidda.

icj-02

icj-03

icj-04

icj-05

icj-06

icj-07

icj-08

icj-09

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wasiir Odawaa “Dhismaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe si habsami leh ayuu ku socdaa”

Iska hor-imaad qasaare sababay oo ka dhacay magaalada Jowhar

Related posts
Your comment?
Leave a Reply