8:16 am - Wednesday June 28, 2017

Maalintii 4-aad uguna danbeysay dhageysiga Muranka Badda oo ICJ ka socota (SAWIRRO)

Waxaa saakay mar kale dib ugu bilawday Maxkamada Cadaalada Aduunka ICJ ee Magaalada The Hague ee wadanka Neherlands, dhageysiga muranka dhinaca Badda ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona maanta ay tahay dhageysigii ugu danbeysay ee ku aadan in Maxkamada ICJ ay soo fara gelin karto Murankaan iyo inkale.

Qareenada Soomaaliya udoodaya ayaa maanta la dhageysanayaa iyagoona ka jawaabaya dhageysigii Maalinta Arbacada ay gudbiyeen Dowlada Kenya, taasoo mar kale salka ku haayay in Dowlada Kenya aysan raali ka aheyn in Maxkamada ICJ ay soo fara geliso muranka u dhaxeeya labada dowladood, iyadoona Kenya ay carabka ku dhifatay in 30 sano ay badda ku sugneed.

Dhageysiga soo jeedinta Soomaaliya ayaa maanta waxaan soo xaadirin Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Kenya, bacdamaa maalinta Arbacada uu sheegay in uu dib ugu laabanayo dalka Kenya.

Maxkamada ayaa socota waxii warar ee kusoo kordha kala soco wararkeena danbe.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Qaraxyo ka dhacay deegaanka Toorotoorow ee gobolka Sh/hoose

Xasan oo Haweenka ku taageeray helida qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka

Related posts
Your comment?
Leave a Reply