4:12 am - Sunday September 24, 2017

Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Isbaheysiga 2017 (Q. 1aad)

Qeybta 1-aad Qormada aan ugu magacdarnay Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Isbaheysiga 2017.

Dulucda Qormada iyo Su’aalaha kuusoo muuqan kara, inta aan u guda gelin, waxaan jeclahay in aan Qormada ku bilaabo Taariikh iyo Dhacdooyin lasoo maray, si aan iskula jaan qaado, isla markaana u dhuuxno ujeedka iyo dulucda, faaqidaada Qormada.

Bishii Maarso ee sanadkii 2009 ayey aheyd Markii Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga, Halyey AUN. Aadan Xaaji Yabarow Wiish loo doortay in uu Hogaanka u qabto Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, kadib shir ka dhacay dalka Jabuuti.

Doorashadii AUN. Wiish kadib waxaa soo ifbaxay hanqal-taag iyo guluf loo galay sidii loo buuxin lahaa Hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga, waxaana ugu horeeyay oo hogaankaasi in uu qabto ku hongoobay Bashiir Maxamed Yuusuf (Bashiir Fox) oo aan xilligaa la ganbn damaciisa ahaa in uu qabto hogaanka Xiriirka Kubada Koleyga.

Dad badan waxaa ay sii ogaayeen in hogaanka uu qaban doonno Ibraahim Xuseen Cali Roombe oo in muddo ah ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka, markaana lagu tirinayay gacanta midig ee AUN. Aadan Xaaji Yabarow Wiish, isagoona ugu danbeyn xilkaasi qabtay April 2009.

Dhacdooyinkii 2009 ee dhinaca Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya ka dhacay ka hor inta uusan xilka hogaanka Xiriirka K/K uusan ka dagin halyey Wiish waxaa ka mid ahaa, In Macalinka Xulka Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliya loo Magacaabay Cabdulkhaadir Xaaji Daahir Shiikha, kadib markii uu shil gaari ku geeriyooday Allaha u naxriistee Macalinkii Xulka Qaranka Kubada Koleyga AUN. Cumar Anyeelo.

AUN. Anyeelo waxaa uu saaxiib dhaw la ahaa, Guddoomiye Kuxigeenkii Xiriirka Kubada Koleyga, markii danbena noqday Xoghayaha Xiriirka, Eng. Baana Cabdalla Cali.

Sidoo kale Macalinkii xilligaasi la Magacaabay Cabdulkhaadir Xaaji Daahir Shiikha ayaa lagu tiriyaa in ay saaxiib dhaw yihiin Eng. Baana Cabdalla Cali.

Bal u fiirso dhacdada iyo saaxiibada isku dhaw, si aad wax badan ugu fahanto isbaheysiyada Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya.

14390716_1154720224593016_6411751056252297422_n

Dhinaca kale waxaa saaxiib isku dhaw ah Macalinkii Xulka Qaranka Kubada Koleyga, Cumar Cabdulqaadir Baarajab iyo Shaqsigii Hankiisa ku fashilmay ee Bashiir Maxamed Yuusuf (BASHIIR FOX).

Sanadkii 2009 waxaa la oran karaa bilawgii abuurida ama yagleelida isbaheysi hamigiisa ahaa in ay mar un la wareegaan maamulka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga.

April 2009 Markii la doortay Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya Ibraahim Xuseen Cali Roombe, waxaa jiray wada shaqeyn la’aan ay bahda Isboortiga gaar ahaan Kubada Koleyga kuwooda damaca ku jiray in ay hogaanka mar un qabtaan ay la yimaadeen, taasi oo keentay is-qab qabsigii ugu xooganaa ee soo dhex mara bahda Koleyga Koleyga iyo Xiriirkiisa.

Inkastoo ay jirtay dhacdooyin kale gedisan oo muranno dhaliyay kaasi oo soo maray Xiriirka Kubada Koleyga, hadane dhacdadii ugu weyneyd ayaa waxa ay dhacday 2011, kadib markii is-qabsigii ugu weynaa uu soo dhex galay Xiriirka Kubada Koleyga iyo GOS, iyadoona ay jireen qurbo joog fara badan oo dabada ka riixaayay dhacdadaasi, waxaana dhacdadaasi loogu magac daray (Ruwanda Gate).

Ruwanda Gate waxaa ka abuurmay in idaacadii la dhihi jiray Somaliweek ee Toronto loogu gafo shaqsiyaad sumcad iyo sharaf ku dhex leh isboortiga dalka, dadkii sida weyn loogu xasuusto eriyadii xanuunka reebay idaacadaasi ka jeediyay waxaa ka mid ahaa, Axmed Muuse iyo Macalin Shiino Guhaad oo labaduba saaxiib dhaw la ah, Bashiir Fox, Cumar Baarajab iyo Saciid Faarax Ducaale, iyagoona xilligaasi dagaal aan geed loogu soo ganban ku qaaday Xoghayihii xilligaasi Eng. Baana Cabdalla Cali.

Muran dheeraaday iyo xanaf leh oo hawada la isku mariyay, fashil dokumentiyo lasoo bandhigay, aflagaado loo geystay dad sumcad ku leh Isboortig kadib, waxaa soo deg degay in xilalkii laga qaado Xoghayihii Xiriirka Kubada Koleyga ee xilligaasi Baana Cali, waxaana durba is casilay Macalinkii Xulka Qaranka, Shiikha iyo Kuxigeenkiisa Macalin Buruno.

Iyadoo aan laga hadlin gefafkii la isku geystay, lagana fiirsan qaabka is-baheysi ee dagaalka ugu jiraan saaxibada hankooda ahaa in ay mar un hogaanka Xiriirka Kubada Koleyga ay qabtaan, ayaa waxaa Xogheyn loo Magacaabay Saciid Faarax Ducaale, halka macalinka Xulka Qaranka Kubada Koleyga loo Magacaabay Cumar Baarajab, waxaana jirtay xil uu si iskii ah u Magacaabay Saciid Faarax taasi oo loo Magacaabay Cabdi Dheere, waxa ayna aheyd guushii isbaheysiga.

Is-baheysigaan ay ku bahoobeen, Fox, Shiine, Barajab, Saciid faarax iyo Axmed Muuse, waxa uu halkiisa kasii waday dhaq-dhaqaaq xil doon ah, kaasi oo ay ku damacsanaayeen in ay gabi ahaanba la wareegaan dhaq-dhaqaaqa Xiriirka Kubada Koleyga iyagoona isku soo koobay magacii Xiriirka Kubada Koleyga.

Ku tagri fal awoodeed, isku koowid maamul, iyo gafaf loo geystay shaqsiyaad sumcad ku leh isboortiga ayaa dhacday, mudadii isbaheysigaan ku dhex mushaaxayeen hooska Xiriirka Kubada Koleyga.

Qorshihii ugu muhiimsanaa ayey Isbaheysigaan dajiyeen sanadkii 2012 !
– Muxuu ahaa Qorshahaasi?
– Safarkii Axmed Muuse ee Muqdisho?
– Hankii 2-aad ee Fox maxaa fashaliyay 2012?
– Maxey tahay qorshaha sanadka 2017 u dagsan isbaheysigaan?
– Maxaad kala socotaa shir ku sheega December
– Baarajab mise Maxamed Xaaji keebaa is sharxi doona DXSKK
– Olalaha Axmed Muuse iyo Adeegsiga Jameeka
– Aar-goosiga Saciid Faarax & Hanka Bashiir Fox
– X. QARANKA (Shiino Guhaad Vs Cabdi Dheere)

Su’aalahaasi iyo Qodobada kale ee aan xusnay iyadoo taariikheysan, waxaaan ku gorfeyn doonnaa Qormooyinkeena soo socda insha allaah.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Guddiga Fulinta GOS oo wax ka badalay Dastuurkii u dagsanaa (SAWIRRO)

Xildhibaan C/qani Jeenyo oo Horumarin Isboorti ka Bilaabay HirShabelle

Related posts
Your comment?
Leave a Reply