3:03 pm - Sunday August 22, 2269

Ka daroo dibi dhal “Soomaalidu waa la heystayaal is heysta”

Caqligii Soomaalida muddo 30 sano ku dhawaad ayuu meeshaas yaalaa, xiligii hore ayaaba ila rooneyd, illeen maleeshiyo beeleed ayaa dagaalami jiray oo aan heysan qalab dagaal ku filan iyo Tababar, maantana maleeshiyadii ciidan ayaa laga dhigay Hub iyo tababar fiicanna waa la siiyay, “Waa ka daroo dibi dhal”.

Markey halkaas taagan tahay, waxaan guraneynaa mirihii Federaal qabiileedka Soomaaliya. Soomaalida waa in dib loo fiiriyaa, qabiilo walaalo hadey ahaan lahaayeen sidaan dhibaatada uma sii socon lahayn, heshiis ayaa la gaari laha, waa qowmiyado yar yar oo afka, diinta iyo dhaqanka wadaaga ayaan is leeyahay.

Soomaalida waa la heystayaal is heysta, waxayna diyaar u yihiin iney is gumeystaan lana gumeysto, Caqligii wuxuu ka noqday Reer hebel ayaa is heysta, reer hebel ayaa dagaalamaya, reer hebel ayaa wadanka heysta, waana dhaqan soo jireen ayna jiilba jiilka ka dambeeya usii gudbiyaan, malaha caqli tusa nidaam iyo kala dmbeyn ay dadka aduunka ay ku nool yihiin hadey ahaan lahaayeen gaalada ama Muslimka, Isla-weyne iyo Cuqdad ayaa kala dhex taalla, Aduunka oo dhan ayaga ayaa ugu caqli badan, ugu wanaagsan, ugu qanisan, ugu dadnimo iyo is dhexgal wanaagsan, waa arrin inta badan dadka Soomaalida ay aaminsan yihiin, waa riyo ayaan is leeyahay, waa sida adiga oo bisad ah isku fiirisay Muraayad oo aad iska dhex aragtay adigoo Libaax ah.

Kuwa aan is lahaa waa aqoonyahano waayo joogna u ah dhibka ka taagan Soomaaliya, ayagana wax walba qabiilkood baa kaga weyn, aqoon waxaa la yiraahdaa waa tii badasha dhaqankii hore, laakiin hadduusan jirin wax isbadal ah barashada kadib, waa ku noqo waxba ma baran.

Qabiilka Alle SWT wuxuu ku sheegay in ay dadku isku gartaan isla markaana aad dhihi karto halkaas ayaan ku abtirsadaa, qabiilkaaga waa inaad u sheegi kartaa xaqa uu leeyahay iyo waxa uusan xaqu u lahayn, waxa u wanaagsan iyo waxa aan u wanaagsaneyn, laakiin, haddii ay arrintu tahay Qabiilkaaga gartiisa gar, gardaradiisana gar, waa waxa Soomaaliya halkaasi dhigay.

W/Q. Omar Dhalxa Mudey
Email: cumardhalxa@gmail.com

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Maxaa Somalia ka khaldan, Sidee Dowladda Fashilantay loo Maalgeliyay !!!

Maqaal uu qoray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh (Soomaaliyey I Maqal)

Related posts
Your comment?
Leave a Reply