7:45 am - Thursday March 30, 2017

GOS oo hogaan cusub doortay & Duuraan oo shaqada ka tagay (SAWIRRO)

Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad Doorashada ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, kasoo lagu dooranayay hogaanka afarta sano ee soo socota, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga, Masuuliyiinta Xiriirada, Ururuada, Xubnaha Matalaya Soonanka iyo marti sharaf kale.

Ka hor doorashada waxaa Shirwaynaha lagu soo bandhigay waxqabadkii iyo warbixinta dhaqaalaha sanadki tagay ee 2016, miisaaniyadda & qorshaha sanadka 2017, sidoo kale xiriirada ayaa dhankooda soo jeediyay waxbixinada waxqabadkooda sanadki tagay, waxaa shirwaynaha lagu ansaxiyay wax-kabadal lagu sameeyay qodobka 15.E ee dastuurka, waxaa sidoo kale laga dooday isla markaana la ansaxiyay go’aanadi shirarkii Guddiga Fullinta lagu gaaray.

Xubnaha Shirweynaha ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ah si aqlabiyad leh ugu codeeyay Cabdullaahi Axmed Tarabi inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee afarta sano soo socota 2017-2020. Sidoo kale waxaa guddoomiya ku xigeenada loo doortay ;

  • Guddoomiye Sharafeed GOS, Cabdulqaadir Ibraahin Gacal Abkow
  • Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee GOS, Axmed Cabdi Xasan (Wataac)
  • Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee GOS, Faadumo Cali Nuur
  • Guddoomiye Kuxigeenka 3-aad ee GOS, Ibraahin Abuukar Shaamoow
  • Xoghayaha Guud ee GOS, Mohammad Abdo Hagi.


Sidoo kale waxaa shirweynaha doorashada lagu doortay xubnaha Guddiga Fulinta GOS oo kala ah;

  • Ibraahim Xuseen Cali Roombo
  • Maxamaed Xuurshe Xasan (Eenoow)
  • Maxamed Axmed Coloow
  • Cabdiqani Saciid Carab
  • Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani)
  • Khadiijo Aadan Daahir
  • Cumar Cabduqaadir Baarajab
  • Cali Maxamed Xuseen (Cali Baay)
  • Cabdicasiis Godax Barre
  • Xasan Aadan X. Yabarow Wiish
  • Abuukar Islow Xasan
  • Maxamed Daa’uud Maxamed
  • Dr. Cabdi Ibraahin Axmed (Jia)
  • Prof. Yuusuf Calasoow
  • Maxamed Muuse Cabdi
  • Luul Cabdi Dhagool

Kadib doorashada waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha la doortay ee GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuuna u mahad celiyay xubnaha shirwaynaha ee markale kalsoni ku siiyay inuu hogaamiyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale sheegay in ay afarta sano ee soo socota xoogga saari doonaan maamul wanaaga, sare u qaadida aqoonta maamulada isboortiga, tayayna Xulalka qaran ee xiriirada dalka si ay ugu loolamaaan bilado iyo kaalimo hore, iyo in mudnaan gaar ah ay la siin doonnaan iskuulada, Jamaacadaha, degmooyinka iyo gobolada dalka si horumar la taaban karo loo gaaro.

Waaxda Warfaafinta GOS

info@nocsom.com

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Cayaaraha HIRDA Amsterdam 2016 oo lasoo gaba-gabeeyay (SAWIRRO)

Xulka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Tartanka Kubadda Koleyga Zone V (SAWIRRO)

Related posts
Your comment?
Leave a Reply