3:01 pm - Wednesday January 18, 2017

C/kariin Guuleed oo si weyn loogu soo dhoweeyay Cadaado (SAWIRRO)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa wafdiga uu hogaaminayay waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug iyadoo ay garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Senatar Abshir Buqaari iyo dadweyne faro badan.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin amni darro iyo qalqal, waxana uu faray ciidamada ammaanka ee Galmudug ee inay adkeeyaan amaanka deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa ka soo horjeestey codkii kalsoonida ee ay baarlamaanka Galmudug u qaadeen shalay kuwaasoo ay ku sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen Madaxweynaha.

Magaalada Cadaado ayaa saaka intii uusan gaarin Madaxweyne Guuleed waxaa ka dhacay banaanbax lagu taageeraayo go’aanka ay codka kalsoonida uga qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Lama oga booqashada uu Cabdikariin Guuleed ku tegey magaalada Cadaado waxa ay ka bedeli karto xildhibaanada baarlamaanka oo ku adkeysanaya in ay doorasho Madaxweyne cusub ay qabanqaabinayaan.

Xukun deg-deg ah oo soconaya muddo saddex bilood ah ayuu ku soo rogay Madaxweyne Guuleed deegaanada hoos yimaado maamulka Galmudug.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Jawaari oo ku guuleystey doorashada hogaanka Baarlamaanka Somalia

Madaxweyne Xasan oo hambalyo u diray Xildhibaanada iyo guddoomiyaha cususb

Related posts
Your comment?
Leave a Reply