12:39 pm - Thursday February 23, 2017

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Ololaha socda

Waxaa magaalada Muqdisho ka socdo olalihii ugu dambeeyay ee loogu jiro kala jiidashada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta dooranaya guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada maanta ayaa aad looga dhur sugayaa cidda ku guuleysanayso, waxaana saacadihii ugu dambeeyay socday olalaha doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa hoteelada magaalada Muqdisho ka socday kala jidashada xildhibaanada baarlamaanka, waxaana musharixiinta qaar ee u tartamaya xilka guddoonka baarlamaanka la sheegay inaysan seexan.

Waxaa jirta saadaalin la sameynayo oo ah in wareega labaad loo gudbi doono doorashada maanta ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana aad loo hadal hayaa inay usoo gudbi karaan Jawaari iyo xidig, walow ay dhici karaan waxyaabo lama filaan ah.

Haddii Xidig uu usoo gudbi waayo waaye wareega labaad waxay ka dhigan tahay in meesha uu ka baxayo hamigii musharaxnimo ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna rajo gelinaysaa musharixiinta madaxweynaha ee beelaha Hawiye iyo Daarood.

Waxaa jiro Dhaliilo badan oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay u hayaan Jawaari oo ah qofka loogu saadaalinta badan yahay doorashada maanta, waxaana ugu horeeyo inuu ka aamusay mushaar la’aan xildhibaanada heysatay bilooyin badan, sida xildhibaanada qaar ay inoo xaqiijiyeen.

Xidig wuxuu culeeska ugu weyn uu kala kulmi karaa xildhibaanada beesha uu kasoo jeeda ee lagu soo doortay Garowe iyo Kismaayo, maadaama beelaha Daarood ay u han taagayaan Xilalka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha dalka.

Haddii Xidig uu ku guuleystaa xilka guddoonka baarlamaanka wuxuu dhigayaa taariiq cusub oo ah inuu noqdaa ninkii ugu horeeyay ee aan aheyn Digil iyo Mirifle oo qabtaa xilkaasi.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa laga sugayaa cidda ay dooran doonaan maanta.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in beri ay dhacdaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Amaanka Muqdisho oo aad loo adkeeyay iyo ciidamo waddooyinka la dhigay

Wareegii 1aad ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo gabagabowday

Related posts
Your comment?
Leave a Reply