7:43 am - Thursday March 30, 2017

Doorashada Kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka oo bilaabmatay

Waxaa goordhow ka bilaawday xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay dhiibtaan codadkooda, si ay ugu codeyn lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya ilaa 6 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1. Jeylaani Nuur Iikar.

2. C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

3. Faarax Sheekh C/qaadir.

4. Khaalid Macow C/qaadir

5. Saciid Xuseen Ciid.

6. Khadiija Maxamed Diiriye.

SIdookale xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka waxaa u tartamaya 10 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1. C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2. Mahad Cabdalla Cawad.

3. Burhaan Aadan Cumar.

4. C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5. Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6. C/wali Maxamed Qanyare.

7. C/laahi Goodax Barre.

8. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9. C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi)

10. Maryan Axmed Haaruun

Doorashada maanta ayaa qaadan karta waqti ka dheer doorashadii shalay la qabtay maadaama ay ku tartamayaan illaa iyo 16 musharax.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayeen ilaa 4 Musharax, waxaana ku soo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii Labaad la doortay.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Alshabaab iyo xoolo dhaqato ku dagaalamay deegaano ka tirsan Sh/dhexe

Wareega 1-aad Doorashada Guddoomiye Kuxigeenada oo lasoo gabagabeeyay

Related posts
Your comment?
Leave a Reply