4:09 am - Sunday September 24, 2017

Wareega 1-aad Doorashada Guddoomiye Kuxigeenada oo lasoo gabagabeeyay

Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay ku tartamayaan illaa iyo 16 musharax.

Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku tartamaya 6 Musharax oo hada sida ay muuqato wareega 1-aad kasoo gudbeen 3 musharax.

Codbixintii dhacday ee dhinaca Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa musharaxiinta waxa ay codadka u kala heleen sida tan;

1- Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey 111-cod.

2- Faarax Sheekh Cabdiqaadirna wuxuu helay 94-cod.

3- Khadiijo ayaa soo saddaxaysa oo heshay 27 cod.

4- Siciid Ciid oo helay 17-cod.

5- Jaylaani Iikar wuxuu helay 4 cod.

6- Khaalid Macoow waxa uu helay 7 cod.

Ma jirto cid buuxisay shuruudaha guusha, waxa ayna taasi keeneysaa in loo gudbo wareeg 2-aad oo ay ku tartami doonaan 3 mudane ee ugu codadka badan, waxaana wareega labaad ku tartami doonna musharixiinta kala ah, C/wali Sheekh Muudeey, Faarax Sheekh C/qaadir iyo Khadiijo Max’ed Diiriye.

Dhinaca kale Musharaxiinta ku tartamaya xilka Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu gaaraya 10 mudane ayaa lasoo gaba-gabeeyay tirinta cododkooda, waxa ayna codadka u kala heleen sida tan;

Mahad Cabdalla Cawad: 70 cod

Cabdulqaadir Sheekh Cali “Bagdaadi” : 53 cod

Burhaan Aadan Cumar : 26 cod

Cabdullaahi Goodax Barre : 18 cod

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur : 15 cod

Xuseen Cabdi Cilmi : 12 cod

Cabdiweli Maxamed Qanyare: 12 cod

Maryan Axmed Haaruun : 10 cod

Xuseen Cabdalla : 8 cod

Waxaa guud ahaan codeysay (235) Xildhibaan, waxaa xumaaday hal cod, waxaana la filayaa in wareega labaad la isla gudbo.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Doorashada Kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka oo bilaabmatay

Muudey oo ku guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka

Related posts
Your comment?
Leave a Reply