8:28 pm - Monday May 22, 2017

Puntland oo DFS ugu baaqday in si deg deg loosoo dhiso Golaha Wasiirada

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay si deg deg ah u soo dhisaan dowlad wax ku ool ah oo shacabka ka samata bixisa dhibaatada.

Isagoo wariyeyaasha la hadlayay ayaa sheegay in dowladda hankii iyo taageeradii shacabka ay u hayeen ay u egtahay inay luminayaan, isagoo tilmaamay in Madaxda dowladda ay haatan iyaga isku mashquulsan yihiin’

“Dowladda Federaalka, waa cusub tahay, laakiin waxay u egtahay inay iyaga isku mashquulsan yihiin, intey mashquulka iyo waqtiga ay dacayayaan iska daayaan dowlad wax ku ool ah umada Soomaaliyeed haloo dhiso, waxaa moodaa hankii iyo kalsoonidii lagu doortay ee loo taageeray inuu sidiisa ahaan doonin oo ay waayi doonaan kalsoonida”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Waxaa uu sheegay in hadalkiisa aanu aheyn canaan iyo dhaleeceyn midna, balse uu tahay toosin ah in si deg deg ah Xukuumad loo dhiso.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay tixgeliyaan dadkii is bedel doonka ahaa, isla markaana dowlad dhab ah la dhiso.

Puntland ayaa durbaba waxaa muuqata inay ka didsan tahay waxa ka socda Villa Somalia, iyadoo la sheegayo in qaabka lagu saleynayo Golaha Wasiirada uu ka duwanaan doono qaababkii hore.

24-ka saac ee soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada, iyadoo Madaxda dowladda ay ka gudbeen caqabadihii iyo is mari waagii ka taagnaa xubno ay isku hayeen, iyagoo sameeyay isu tanaasul iyo liis meel dhexaad ah oo ay isku afgareen.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqi doonno 24 saac soo socda gudahood

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka yeelan lahaayeen oo kooram la’aan u baaqday

Related posts
Your comment?
Leave a Reply