1:52 am - Friday July 28, 2017

Galmudug oo sheegtay in doorashada Madaxweynaha ay waqtigeeda ku dhici doonto

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha aan dib loo dhigi doonin, isla markaana waqtigeeda ku dhici doonto.

Cabdi Xasan Cilmi oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo ku sugan Cadaado ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha ay dib ugu dhici doonin 30-ka bishan oo ah waqtiga horay loogu balamay.

Xildhibaankan ayaa sheegay in horay dowladda Federaalka ugu heshiiyeen in muddo 45 cisho dib loo dhigo, iyagana ay aqbaleyn, balse aanay wixii hada ka dambeeya aqbali doonin dib u dhac kale.

Wada hadalo u socda Ahlusuna iyo Galmudug ayaa wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo uu bur bur qarka u saaran yahay wada hadaladan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii wada hadaladan ay u noqon lahaayeen kuwo natiijo ka soo baxa, hase ahaatee Ahlusuna ayaa wadata shuruudo dhowr ah.

Waqtigii loogu tala galay inuu ku qabsoomo wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa dhamaaday, waxaana muddo saddex cisho ka harsan mudadii loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada Madaxweynaha.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabay su’aalo ku saabsan arrimaha dhismaha ciidamada

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka

Related posts
Your comment?
Leave a Reply