4:18 am - Sunday September 24, 2017

La Taliyaha Amniga oo Wakiilada Beesha Caalamka uga warbixiyay Qorshaha Amniga

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Macalin ayaa la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay xarunta Xalane, isagoo u faah faahiyay qorshaha Amniga Qaranka ee ku wajahan dhismaha Ciidanka.

Kulan shalay ka dhacay Xarunta Xalane ayaa Taliye Xuseen Macalin iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi waxay la wadaageen Safiirada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya qorshaha Amniga ee qeybta ka ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Kulankan ayaa waxaa goob ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey, Safiirka Mareykanka, Safiirka Imaaraadka Carabta, Wakiilka Midowga Afrika iyo Safiiro kale.

Qorshahan ayaa markii hore waxaa laga muujiyay shaki weyn qaabka loo diyaariyay, gaar ahaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, oo loo yeelay muuqaal ciidan dawlad goboleedyada ay awood weyn ku leeyihiin dhismihiisa, amarkiisa iyo taladiisaba, iyadoo arrintan ka mid aheyd awoodaha dowladda Dhexe.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay qorshahan Amniga, iyadoo lagu wado qorshahan Amniga Qaranka ee dhismaha Ciidamada la horgeeyo Shirka London ka dhacaya bisha soo socota.

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka xoogga dalka tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada NISA oo lagu dilay Degmada Shibis

Kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qorsha Amniga iyo qodobo kale

Related posts
Your comment?
Leave a Reply