4:19 am - Sunday September 24, 2017

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada NISA oo lagu dilay Degmada Shibis

AUN. Jeneraal Maxamuud Xaaji Cali Cumar

Kooxo hubeysan ayaa saakay ku dilay Agagaarka Isgoyska Maanaboolyo ee Degmada Shibis, Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Qaranka, kaasi oo lagu Magacaabay Maxamuud Xaaji Cali.

Sarkaalka ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugnaa meel aan sidaa ugu dheereen Hoygiisa oo ku yaala meel aan ka fogeen Isgoyska Maanaboolyo ee Degmada Shibis.

Maxamuud Xaaji Cali Cumar oo si weyn looga yaqaano Xaafada Maana-booliyo, waxaa uu ahaa Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoona Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ay xir xireen dad ka ag dhowaa halka dilka uu ka dhacay.

Dhinaca kale dil kale ayaa la sheegay in loo geystey labo nin oo walaalo ahaa kuwaasoo lagu diley degmada Wadajir gaar ahaan Silliga Maraykanka.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in ragga geystey dilka ay goobta ka baxsadeen.

labada ruux ee la diley ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye.

Dilalkan qorsheysan ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyadooda sheegata Al-Shabaab.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka

La Taliyaha Amniga oo Wakiilada Beesha Caalamka uga warbixiyay Qorshaha Amniga

Related posts
Your comment?
Leave a Reply