1:53 am - Friday July 28, 2017

Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in nabadoon caan ah xalay lagu dilay dhanka waqooyi ee magaalada, iyadoo kooxdii dilka ka dambeysay ay baxsadeen.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Jaamac Diirshe (Farey), waxaana uu ka mid ahaa nabadoonada si weyn looga yaqaano magaalada Gaalkacyo.

Dilkan ayaa qeyb ka ah dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, qeybta ay ka taliso Puntland.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa ku eedeeyay in falalka dilka ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, oo ay ku bartilmaameedsado dadka wax galka u ah bulshada.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

EU oo walaac ka muujiyay xukuno dil ah oo maxkamada ciidamada ay fulisay

Ciidamada dowladda oo nin watay gaari laga shakiyay ku toogtay agagaarka Xalane

Related posts
Your comment?
Leave a Reply