11:58 pm - Saturday October 21, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Sudan

Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashir iyo madax ka tirsan dowlada Sudan.

Wasiir Dowlaha arrimaha Dibada ee Sudan Hamid Mumtaz oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo oo qaadan doona labo maalmood uu salka ku hayo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay kala hadlaan dowlada Sudan arrimo ay kamidka yihiin dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amaanka iyo dhinaca dib lomaasiyadda, iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan laheyd dib u dhiska iyo xasiloonida dalka, iyagoo kala saxiixandoona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa lafilayaain uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi, islamarkaan uu uga warbixin doono horumarka kajira Soomaaliya.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Amina Maxamed oo ka mid noqotay la taliyaasha Qaramada Midoobay

prev-next.jpg

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo ka sameeyay Xaafadaha Muqdisho

Related posts
Your comment?
Leave a Reply