12:02 am - Sunday October 22, 2017

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo ka sameeyay Xaafadaha Muqdisho

single-thumb.jpg

Ciidamada ammaanka, ayaa xalay howl gallo dad badan lagu qabtay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir, iyadoo ciidamadana ay gudaha u galayeen guryaha.

Ciidamada ayaa howl galka ka sameeyay Isgoyska Florenza, Xararyaale iyo suuqa xararyaale, waxaana ay guryaha u galeen guryo bartilmaameed ah oo kala baxeen dhalinyaro la tuhunsan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la qabtay lagu kaxeeyay gaadiid dagaalka ay wateen ciidamada, waxaana intii uu socday howl galka hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii gaadiidka.

Ma cadda illaa iyo hada waxa ay yihiin iyo waliba cida ay ka tirsan yihiin ragga lagu soo qabtay howl galkaas, waxaana ay ciidamada ula dhaqaaqeen xarumaha dambi baarista.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa maalmihii u dambeeyay howl gallo ka sameynayay xaafado ka tirsan Muqdisho, inkastoo howl galadan ay taxane ahaayeen, hadana ma aysan joojin falalka amni darada ee ka dhacaya magaalada.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Sudan

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo Cadaado u tagay la wareegida amniga garoonka diyaaradaha

Related posts
Your comment?
Leave a Reply