12:01 am - Sunday October 22, 2017

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo Cadaado u tagay la wareegida amniga garoonka diyaaradaha

Saraakiil ka socota AMISOM oo shalay gaaray magaalada Cadaado ayaa la kulmay Madaxda Galmudug ee khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya, iyagoo kala hadlay sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa.

Ciidamo ka socda AMISOM ayaa ku sugan Cadaado, waxaana ay ka qeyb qaataan sugida amniga xarumaha maamulka iyo xarumo kale.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo hoggaaminayay saraakiishan ayaa sheegay inay Cadaado u yimaadeen inay qiimeeyaan amniga magaalada, isla markaana ay arkeen in aysan dhibaato sidaa u weyn ka jirin magaalada.

Waxaa uu sheegay in Madaxda Galmudug ay kala hadleen sidii amniga garoonka diyaaradaha loogu wareejin lahaa, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay la joojiyay duulimaadyadii rayidka ahaa, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed.

Taliyaha ayaa sheegay in howsha ugu horeysay ee ay qabanayaan ay tahay sidii amniga garoonka uga shaqeyn lahaayeen, isla markaana garoonka u noqon lahaa meel amni ah.

Xaalada Cadaado ayaa ah mid degan, iyadoo aanay wax is bedel ku yeelan xaaladihii siyaasadeed ee ka taagnaa maalmahan.

Don't miss the stories followRadio Wehel | Wehel Media Center and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in
prev-next.jpg

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo ka sameeyay Xaafadaha Muqdisho

Shariif Xasan “Dad ayaa ku fikiraya in la baabi’iyo Federaalismka iyo in maamulada….”

Related posts
Your comment?
Leave a Reply